Quraan MP3 Af Soomaali 1.0.0 Icon

Quraan MP3 Af Soomaali

Blue Programing Education
4.5
0 Ratings
5K+
Downloads
1.0.0
version
Dec 13, 2023
release date
47.3 MB
file size
Free
Download

What's New

New Screens Added

New permissions added

About Quraan MP3 Af Soomaali Android App

Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Mohamed peace be upon him.svg (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir, ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi peace be upon him.svg (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.

Quraan, Qur'aan, Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ; ingiriis: Koran) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi peace be upon him.svg (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga.
Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed.

Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga peace be upon him.svg intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi peace be upon him.svg wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.

Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.

Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada.
Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha. Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda.

Other Information:

Package Name:
Requires Android:
Android 6.0+
Other Sources:

Download

This version of Quraan MP3 Af Soomaali Android App comes with one universal variant which will work on all the Android devices.

Variant
1030
(Dec 13, 2023)
Architecture
arm64-v8a armeabi-v7a x86 x86_64
Minimum OS
Android 6.0+
Screen DPI
nodpi (all screens)

All Versions

If you are looking to download other versions of Quraan MP3 Af Soomaali Android App, We have 2 versions in our database. Please select one of them below to download.

Loading..